Uncategorized

Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo booqday Xarunta Difaaca Maraykanka.

Muqdisho-KNN-Ra’iisal Wasaaraha Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Xubno kale oo ka mid ah Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqday Xarunta Difaaca Maraykanka ee loo yaqaano Pentagon.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa Xarunta Difaaca Maraykanka waxaa ku soo dhaweeyay Ku xigeynka Xoghayha Gaashaan-dhigga Maraykanka Patrick Shanahan  iyo Xubno kale waxayna kormeereen Xarumaha Gaashaan-dhigga Maraykanka.

Soo dhaweyn Balaaran ayaa Ra’iisal Wasaaraha halkaas loogu sameeyay waxa uuna Salaan ka qaatay Ciidamo ka tirsan Kuwa Maraykanka iyadoo loo garaacay Astaanta Calanka Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan  Pentagon Maraykanka iyagoo ka wada hadlay Arimo la xariira dagaalka Al-Shabaab iyo taageerada Maraykanka.