Uncategorized

DAAWO SAWIRADA:-Kulan Caafimaadka looga hadlayay oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Shirkii ugu horeeyay ee cilmi baaris caafimaad oo ay soo qabanqaabiso Jaamacada Jamhuuriya ee culuumta iyo tiknoolojiyada ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen xeel dheerayaal Caafimaad oo isaga yimid Dalka iyo Dibada ayaa diirada lagu saaray baahida loo qabo sare u qaadista iyo tayeynta cilmi baarista Caafimaad ee laga sameeyo Soomaaliya. Dr. Axmed Baashi Cumar Cabdi ayaa ugu horeyn ka warbixiyay Ujeedada Shirka.

Guddoomiyaha Jaamacada Jamhuuriya Injineer Maxamuud Axmed Jimcaale oo ka hadlay munaasabada furitaanka shirka ayaa raja weyn ka muujiyay In guusha laga gaaray shirkan mid ka wanaagsan la gaari karo hadii la helo iskaashi dhex mara jaamacadaha dalka.