Muqdisho–KNN– Qaar kamida dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Sabtidii la soo dhaafay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta loo qaaday Wadanka Turkiga,waxaana Garoonka Aadan cadde ka qaaday Diyaarad laga soo diray Wadanka Turkiga oo ay la socdaan Howlwadeeno Caafimaad.
Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa ku sii sagootiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Kuxigeenkiisa,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Dadka la qaaday ayaa gaarayay 40 Qof,balse Nasiib daro mid kamida ayaa ku dhex dhintay Diyaarada Gudaheeda,kaas oo meydkiisa dib loo soo celiyay,iyadoo sidoo kale dadka Dhaawaca ah uu Qof walba raacay Qof kamida Ehelkiisa si uu u Caawiyo.