Somali News

Daawo: Shariif Sheekh oo si kulul uga hadlay khilaafka ka taagan doorashada

Muqdisho-KNN-Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa walaac xoog leh ka muujiyey xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, isagoo sheegay in laga gaabiyey doorashadu inay ku qabsoomto xiligeeda.

Sheekh Shariif ayaa nasiib darro ku tilmaamay inaan weli xal laga gaarin khilaafka doorashada, iyadoo maalmo kooban ay u hareen madaxweynaha, halka baarlamaanka uu mar hore waqtigii ka dhamaaday.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa soo jeediyey in wada-hadal laga yeesho khilaafka ka taagan doorashada, si ay dalka uga qabsoomto doorasho xor iyo xalaal ah.

“Waxay aheyd in xiligan ay socdaan howlaha doorashada, balse ay nasiib darro tahay in ilaa hadda aan la isku waafaqsaneyn arrimaha doorashooyinka dalka,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hoos ka Daawo