Muqdisho-KNN-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen arrimo dhow ah, oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Sheekh Shariif Axmed oo ugu horeyn ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkii uu maanta ugu baaqay inay isugu yimaadaan dhinacyada siyaasadda dalka, isla markaana ay guddoomiyah Aqalka Sare uga mahad celinayaan go’aankaas, kuna dhiira gelinayaan inuu ka mira dhaliyo.
Sheekh Shariif ayaa ka deyriyay xaaladda ammaan ee dalka, isagoo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan isku howlin la dagaalanka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed, isagoo gaabiska dhanka ammaanka dalka ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka.
“Waxaa jira ciidamo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo dowladaha deriska ah ay leeyihiin oo markii ay doonaan dalka soo gala, kuwaas oo geysta dembiyo, arintaas ka soo hor geeda heshiiska ay ku joogaan ciidamada AMISOM, waa kalsooni darro in lagu soo daro ciidamo aan ka tirsaneyn oo dalka aan shirci ku joogin, waxaan rabnaa in sumcada AMISOM aan lagu ciyaarin, sidaas dartee beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa in ciidamadaas si deg deg ah dalka looga saaro falalka ay geysteena lagula xisaabtamo” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay shirkaas ay caawa warbaahinta kula hadleen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in dalkan lagu wadi jiray wadatashi, balse hada ay xaaladu sidii hore ka bedelanyahay.
“Mudane Madaxweyne ha aamusnaane dadka lahadal oo u sheeg waxa dalka ka jira hadii ay guulu jirto iyo hadii guul darro jirtaba, sababtoo ah dalku waa dalkoodii, laakiin waxa dalkeena ka jira ma’ahan in Abiy Axmed noo sheego, hada maalin dhaweyto wax yaabo aan in la sheego ku habooneyn ayuu u sheegay, waxaasna dowladeenu marabto inay noo sheegto, waxay dowlad u tahay inay heshiis la gasho dowlad kale, laakiin hada anaga iyo Itoobiya taariikhdii xumeyd ee na dhex martay oo sii dhamaaneysay hada waxay abuurtay shaki hor leh” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Hoos ka Daawo