Somali News

Daawo: Taliska booliska oo war ka soo saaray qaad lagu gubay Muqdisho iyo gaadiid la xayiray

Muqdisho-KNN-Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta fagaare ku yaalla degmada Dharkenley, gaar ahaan saldhigga booliska degmadaas ku gubay jawaano qaad ah.

Qaadka la gubay ayaa la sheegay inuu gaarayo 250 jawaan, waxaana laga keenay dalka Kenya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu gubay qaadka ayaa sheegay in xukunka lagu gubay qaadka ay riday maxkamadda gobolka Banaadir.

In la gubo qaadkaas ayuu sheegay inay u coskatay maxkamaddu laba qodob oo kala ah, in xayraadii Coronavirus aan weli laga qaadin Jaadka Kenya iyo in uusan canshuurneyn.

Sidoo kale lix gaadiid ah oo isugu jira doonyo iyo gawaari ayaa lagu soo rogay xayiraad, kuwaas oo loo heysto inay qaadkan soo geliyeen magaalada Muqdisho, sida uu sheegay afhayeenku.

Hoos ka Daawo