Uncategorized

DAAWO-: Taliska Ciidanka Booliska Soomaali-land oo ka hadlay Howlgal xalay ay ka sameeyeen Hargeysa.

Hargeysa-KNN-Taliska ciidanka Booliska Maamulka Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ee Xarunta maamulkaasi waxa uu faah faahin ka bixiyay Howlgalo maalmihii la soo dhaafay ay Ciidanka Booliska ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Hargeyso.

Taliyaha ayaa sheegay in xalay ay sameeyeen Howgalkii ugu xooganaa oo ay ku soo qabta shiikh Aadan Sunni ah wadaad caanka ah deegaanada maamulka Soomaali-land Balse ay Soomaali-land ku eedeysay Abaabulka Arimo la xariiro kicin dadweyne iyo Arimo Argigixiso.

Taliska Booliska Soomaali-land waxaa ay sidoo kale shaaciyeen in ciidamada Booliska oo mudooyinkii ugu danbeeyey hawlgaladii ay ka sameeyeen Hargeysa ay ku soo qabteen rag hubeysan oo Tababaro dab rid ah ku sameynaayey deeganka Uubaale oo dhaca koonfurta magaalada Hargeysa .

Hoos ka Daawo Taliyaha Booliska Soomaali-land.

 

https://youtu.be/HH4yPvGPz8M