Somali News

Daawo warbixin: Fatahaadaha iyo daadadka ku dhiftay gobolada Hiiraan iyo Bay

Muqdisho-KNN-Carruur ay guryahoodii biya qaadeen oo dusha sare laga saaray guryo ka sameysan Jiingado, dhalinyaro ka kooban gabdho iyo wiilal oo saaran gidaaro dhagaxaan ka sameysan iyo haweeney dusha ku sita dhiil caano ku jiraan oo ay biyaha u dhaafeen xabadku joogaan, tobaneeyo shacab iyo masuuliyin ah oo ay biyuhu qaadeen oo dooman iyo diyaarado lagu raadinayo ayaa kamid ah musiibooyinka ka taagan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

In kabadan 5 degmo oo ay sameeyeen fatahaadaha Webiyada Shabeelle iyo Jubba ayey Beladweyne ugu sii daran tahay waxaana ka soo yeeraya qayla dhaan gaartay heerkii ugu sareeyay, taas oo u baahan jawaab deg deg oo gudo iyo dibad ka timaada.

Ugu yaraan nolasha 20 qof ayey galaafteen fatahaadaha ka jira Beladweyne waxay baabi’iyeen hanti aan qiyaas laheyn oo ka kooban ganacsi, gaadiid iyo guryo ay dad daganaayeen. Sidoo kale waxaa ku barakacay in kabadan 60 kun oo qoys kuwaas oo lagu qiyaaso hal milyan oo ruux.

Dadkaan oo heysan Hooy, biya nadiif ah oo ay cabaan, caafimaad, cunto iyo Koronto ayaa waxay daadsan yihiin duleedka Beladweyne waxaana wali ku dul hoganaya roob xoog leh oo wali ka da’aya gobalka Hiiraan.

Halkaan ka Daawo warbixinta oo intaas ka dheer:

https://youtu.be/ez-ODDD4MVE