Somali News

Daawo: Weriyaasha Muqdisho oo ka hadlay caqabadii golaha shacabka

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Weriyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa ka ka hadlay go’aanka looga hor istaagay tabinta wararka fadhiyada golaha shacabka.

 Weriyaasha sida gaarka ah ugu qaabilsanaa warbaahinta madaxa banaan wararka fadhiyada golaha shacabka ayaa xalay lagu war geliyay in ay soo xaadiraan xarunta Villa Hargeysa oo uu ka furmay kalfadhiga 6-aad kulankiisa koowaad ee golaha shacabka.

Weriyaasha ayaa markii ay gaareen halkaas waxaa lagu wargaliyay in aysan hada wixii ka dambeeya ka soo qeyb gali doonin kulamada golaha shacabka ee ka dhacaya xarunta cusub ee Villa Hargeysa, waxayna sababta ku sheegeen guddoonka golaha in ay tahay cariiri ka jira xarunta cusub.

Halkaan ka Daawo cabashada Weriyaasha:-