Uncategorized

Dab aad u xoogbadan oo wali la damin la’yahya ayaa ka holcayda jamhuuriyadda CZECH

Ugu yaraantii sided Ruux ayaa ku geeriyooday kadib markii uu dab ka kacay guri ku yaala  magaalo yaro oo lagu magacaabo Vejprty, oo kutaala woqooyi galbeed, jamhuuriyadda Czech, sida laga soo xigtey, lahah gurmaddka Deg dega ah.

Magaaladaani uu Dabka ka kacay ayaa waxaa ay dhacdaa Xuduuda Dalkaas uu lawadaago wadanka Jarmani, waxaana dabkaa ku dhaawac may, in kabadan 36 qof, wali si dhab ah daah loogama ogaanin sababbta keentey in guirigaani uu dabka kakaco.

Dhinaca kale waxaa ay sheegeen  laamaha booliisku in ay baareyaan sida ay wax u dhaceen, afhayeen u haddley ciidanka dabdamiska ayaa war baahinta u sheegey, in dabkaani ka kacay gurigaan uu saameeyey Dadd badan oo goobtaa deganaa.

Xitaa waxaa daminta Dabkaasi ka qayb qaadaney gaadiidka ambalaceta oo ay leedahaya, Dowladda Jarmani, kuwaas oo ka soo talaabay, xuduuda, labada Dal, si ay u caawiyaan, ciidanka Dalka ay deriska yihiin ee  CZECH.

Dabkaani oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa damintiisa  ka qeybqaadaneya Diyaaradaha   qumaatiga u kaca eehelicopterka, waxaana gabi ahaamba  goota xirey ciidamada,

R/Wasaaraha Jamhuuriyadda Czech   ayaa ka tacasiyeeyey  Geerida Daddkii , Dabkaasi ku dhuntey iyo kuwii ku dhaawacmey intuba, isaga oo eheladiii Daddkaasina u sheegey in dowladdu ay kawar qabi donnto xaaladdooda guud.