Somali News

Dab ka kacay Kaalin shidaal oo ku taala Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta  dab xoogan uu ka kacay Kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla  ka soo hgorjeedka isbitaalka digfeer ee Magaalada Muqdisho

Dad goobjoogaal ah ayaa soo sheegaya in dabka ka kacay kaalinta Shidaal uu yahay mid xoogan, isla markaana uu ku sii faafayo goobo kale oo ganacsi ah oo ku dhow goobta gabaneysa.

Sidoo kale goobta uu ka socdo dabka ayaa waxaa si deg deg ah u gaaray gaadiidka dab demiska maamulka Gobolka Banaadir, waxaana socda gurmad lagu deminayo dabkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dabkaas uu geystay Khasaaro hantiyadeed, waxaana la sheegay in labo qof ay ku dhaawacmeen dabkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan halkaas, iyagoona sugaya amniga.