Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 43 ruux ayaa ku geeriyootay, kadib markii uu dab ka kacay warshad ku taalla magaalada caasimadda ah New Delhi ee dalka india , sida ay warbaahinta ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha biiliska ee dalkaasi India .
Monika Bhardwaj oo ah taliye ku xigeenka booliiska magaalada New Delhi ayaa wakaalada wararka AFP waxa uu u sheegey in ay dhinteen 43 qof oo shirkadaas ka shaqaynayay,kuwaas oo ku sugnaa gudaha warshadda iyagoo ku guda jiray shaqo maalmeedkooda.
Waxa uu xaqiijiyay Mr Monika dhaawaca 16 ruux oo kale oo shaqaale ahaa, kuwaasi oo hadda lagu dabiibayo xarumaha Caafimaadka ee magaalada Delhi.
Kooxaha dab damiska dalkaasi oo goobta mashaqadu ka dhacday gaaray ayaa waxa ay soo xireen ilaa 100KM oo laba jibaaran si ay u xakameeyaan khatarta dabka oo sii siyaadda