Uncategorized

Dab khasaara dhaliyay oo ka kacay Kaam ay Barakacayaal daganayeen oo ku yaala Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Dab khasaara geestay ayaa maanta ka kacay Kaam ay daganaayeen Dad barakacayaal ah oo ku yaala degmada Hodan ee G/Banaadir.

Dabka ayaa la sheegay in uu qabsaday Guryo ka sameyn Kartooman, Baco iyo Cooshado waxaana ku bas beelay ugu yaraan 25 Guri oo ay barakacyaasha daganayeen.

Kaamka dabka ka kacay ayaa ku yaalo qeyb ka mid ah Dhimsaha Jaamacadda Gaheyr ee degmada Hodan, waxaana markii dambe lagu Guuleestay in la damiyo.

Lama oga waxa sababay dabkaasi waxana Goobtaasi gaaray kooxaha dab damiska ee Gobalka Banaadir.