Somali News

Dab khasaaro hantiyadeed geystay oo Xalay ka kacay Suuq ku yaala D/Kaxda

Muqdisho-KNN-Dab khasaaro hantiyadeed geystay ayaa xalay qabsaday Suuq ku yaala degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dabka ayaa ka kacay Suuq ku yaala Bostejada Gaadiidka laga raaco ee degmadaas oo la yiraahdo Quraca Nabada oo ugu yaraan dhowr dukaan ay ku basbeeleen.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay KNN ayaa u sheegay in ay arkeen bur bur badan oo dabkaasi uu geystay.

Dabkaas ayaa  socday ku dhawaad laba saacadood, iyadoona lala tacaalayay damintiisa, ilaa iyo hadda lama oga waxa dhaliyay dabkaasi Xalay qabsaday Suuqa ku yaala Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.