Somali News

Dab qabsaday xarun shirkad oo ku yaalla Boosaaso.

Boosaaso -KNN– faah faahino dheeraad ayaa ka soo baxaya dab qabsaday Xarunta Warshadda Isbuunuyada Tabaarak ay ku leedahay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari

Sawiro Lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay Qiica iyo holaca uu dabka sababay .

Sidoo kale Gaadiidka dab damiska ayaa si deg deg deg ku tagay goobta, iyadoona ku guulaystay inay damiyaan dabka iyaga oo kaalmo kahelayay dad shacabka ah .

Weli lama xaqiijinin qasaaraha rasmiga uu soo gaaray Shirkadda iyadoona hada ay degan tahay xaallada goobta uu ka kacay dabka .