Uncategorized

Dabeylaha ku dhuftay Xeebaha Soomaaliland oo Bur-Buriyay In kabadan 20 Iskuul.

Hargeysa-KNN-Duufaanta Sagar ee ku  dhufatay Xeebaha Waqooyi iyo Galbeedka ee Somaliland ayaa dumisay 22 dugsi oo ku yaala gobolada Saaxil, Awdal iyo Salal isa uu ku waramaya Wariyaha KNN ee Soomaaliland.

Duufaanta ayaa goboladaas ku badneynd waxaana waxbarashadii ka joogsatay Kumanaan ardey oo waxbarasho kaga jiray dugsiyadii ay dhigan jireen.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in goobaha caafimaadka iyo waxbarashada ay khasaare ba’an kasoo gaadheen duufaanta.

Goobaha waxbarashada iyo caafimaadka oo gargaar loogu sameeyo dadku markay masiibo dhacdo ayaa la waayay dhamaan dhismayaashii kuwaas oo burburay iyo qalabkii dhex yaalay oo ay daadadku qaadeen.

Lughaya, Gargaara, Geerisa, Bulaxaar, Ceelsheekh, Habaas weyn, Baki iyo deegaano kale oo ku teedsan xeebta ayay dugsiyadaasi ka dumeen.

Sidoo kale Duufaanta Sagar ayaa 38 qof ku dishay xeebta Somaliland, waxaa la laayahay 10 qof, gurmadkii u horeeyay oo ay ka qayb qaadanayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee UAE ayaa dadkaasi gaadhsiinaya Timir iyo kooxo caafimaad.

Deegaanada qaar waxaa la sheegayaa in tuulooyinkii ay badda ku dareen Duufaantu.