Somali News

Dabley hubeysan oo dad badan ku dilay waqooyiga Nigeria

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay qaar kalena waa la afduubtay kadib markii dabley hubeysan ay gobolka Katsina ee waqooyi-galbeed ee Nigeria ka fuliyeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Tobaneeyo dabley ah oo mootooyin watay ayaa goor dambe oo Axadii ah weerar ku qaaday Yargoje oo tirsan Kankara, sida uu BBC Hausa u sheegay guddoomiyaha gobolka ee dhanka ammaanka Nasiru Babangida Mu’azu.

Weerarrada ay gaysanayaan kooxo hubaysan – oo loogu yeero maxalli ahaan shufto – ee waqooyi-galbeed iyo bartamaha Nigeria ayaa noqday kuwo joogto ah, iyadoo maamulku u muuqday mid aan awood u lahayn inay joojiyaan, inkastoo dawladda iyo ciidamada ammaanku sheegeen inay ku hawlan yihiin soo afjaridda ammaan-darrada baahsan.