Muqdisho-KNN-Rag ku hubeysan bastoolado ayaa goor dhow laba Askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada ku dilay Xaafada Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in dilka kadib kooxdii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, iyadoona goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan dowlada kuwaas oo halkaasi ka sameeyay baaritaano ay ku daba-joogeen dableydii dilka geystay.
Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helaayo dilkaas, mana jiraan faafaahin ay ka bixiyeen laamaha amaanka iyo maamulka degmadaba, oo ku aadan dilkaas maanta loo geystay Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Maalmihii dambe magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilala iyo weeraro qorsheysan oo mas`uuliyadooda ay sheeganayeen kooxda Al-shabaab iyadoona dilkii ugu dambeeyay Xalay loo geystay Nin ganacsada ahaa oo lagu dilay aga gaarka wadada Dabka ee magaalada muqdisho.