Somali News

Dabley hubeysay oo shaqaale ajaanib ah ku afduubtay dalka Liibiya

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya dalka Liibiya waxay sheegayaan in dablay hubaysan ay weerar ku qaadeen xarun ay ku sugnaayeen shaqaale ka howlgala mashruuc lagu magacaabo GMR.

Shaqaalahan la afduubtay waxaa kamid ah kuwo u dhashay dalal shisheeye.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka fadhiggiisu yahay bariga Liibiya Ibraahim Bu shaaf ayaa xaqiijiyay dhacdada.

Warbaahin maxalli ah ayaa kusoo warrantay in dablayda hubaysan ay xarunta ay xoog ku galeen ka hor inta aysan afduuban shaqaalaha.

Kooxda afduubatay shaqaalahan ayaa sii daayay kuwo u dhashay Liibiya halka kuwa ajaanibta ah ay kaxaysteen.

Shaqaalaha la afduubtay waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan dalal ka tirsan qaaradda Aasiya.