Somali News

Dad aano qabiil loogu dilay gobolka Doolo ee dowladd deegaanka Soomaalida

Muqdisho-KNN-Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa xalay lagu dilay deegaan lagu magacaabo Baal-goray oo ka tirsan gobolka Doolo ee dhulka dowladd deegaanka Soomaalida.

Wiilashaas ayaa waxaa la sheegay in la toogtay xili ay ku sugnaayeen xero Geel, waxaana dilkooda lala xariirinayaa aano qabiil.

Xiisad ka dhalatay dilka labadaas ruux ayaa saakay ka taagan tuulada Baal-goray ee gobolka Doolo, waxaana xalay tuuladaas laga maqlay rasaas goos goos ah.

Xiriiro aan la sameynay dadka ku nool degaano ka tirsan gobolka Doolo ayaa noo sheegay in saakay ay xaaladdu degantahay, isla markaana ay socoto waan waan ay wadaan odayaasha dhaqanka deegaanada ay ka tagantahay xiisada colaadeed.