Somali News

Dad ay Daacish kala geeyeen oo ku midoobay Ciraaq.

Muqdisho-KNN-Koox ka mid ah Haweenk iyo Caruurta Qowmiyadda Yaziidi ayaa qoysaskoodii kula midoobay falka Ciraaq kadib Shan sano oo ay laheeysteyaal u ahaayeen Ururka Dowladda Islaamka la baxay ee Daacish.

Waa ay isku soo boodeen markii ay is arkeen iyagoo muujinaya Boholyoowga ay qaadeen Sanadihii ay ku kala maqnaayeen dhibka ay Bulshadoodu kala kulantay Daacish.

Qowmiyadda Yaziidi ayaa Adoonso waxaa ay kala kulmeen Daacish intii ay ku sugnaayeen Dalka Ciraaq, hase ahaatee hadda kuwii ugu dambeeyay ayaa hadda kasoo baxsanaya Daacish oo uu ku socdo dagaal la doonayo in looga saaro qaybihii ugu dambeeyay ee Suuriya ka joogaan.