Somali News

Dad badan oo ku dhintay daadad ku dhuftay Indonesia.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 21 ruux ayaa dhimatay kadib daadad xoogan oo ku dhuftay caasimada dalka Indonesia ee Jakarta.

Kooxaha cimilada qaabilsan ee dalka Indonesia ayaa xooga roobka da’aya ku qiyaasay 377 miliilitar maalinkii.

Roobka oo bilawday habeenkii loo dabaal dagayay sanadka cusub ayaa lafilayaa in uu sii socdo tan iyo dhamaadka todobaadkan.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa lagu qiyaasay in da’ahaan ay u dhaxeeyaan 8 illaa iyo 82 sano.

Degmooyin badan oo hoostaga magaalada caasimada ah ayaa lasheegay in ay korontadu ka go’day.