Somali News

Dad badan oo ku dhintay daadad ku soo rogmaday qeybo kamid ah dalka Sri Lanka


Ugu yaraan todobo qof ayaa ku geeriyooday tiro intaasi ka badana waa la baadi goobaya ka dib markii daadad xooggan ay ku dhufteen qeybo kamid ah dalka Sri Lank.

Xarunta maareynta musiibooyinka ee dalkaasi ayaa sheegtay in Magaalada Sitawaka oo dhow caasimadda, Colombo ay ku geeriyoodeen saddex xubnood oo isku qoys ah, ka dib markii gurigoodu daadadku soo rogmaday.


Sidoo kale, waxaa hakad uu ku yimid isku socodka goobaha ay daadadka ku dhufteen, iyada oo qeybo kamid ah caasimadda Sri lanka ay ka maqantahay korontada.


Dowladda ayaa soo saartay Digniin cusub, iyada oo laga cabsi qabo in uu daadka ku fido sagaal degmo oo kale kuwaasi oo u dhow caasimadda Colombo.