Duufaan xoogan oo ku dhufatay qaybo kamid ah dalalka Bangladesh iyo Hindiya ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay 13 ruux.
Duufaanta ayaa sidoo kale saamayn ku yeelatay in kabadan labo milyan oo ruux.
Dabeesha ayaa saacadiiba jareesay masaafo dhan 12okm, taas oo keentay in ay ku dhaawacmaan tobonaan ruux halka sidoo kalana ay bur burisay kumanaan guri.
Shan kamid ah lixda ruux ee ku dhimatay dalka Bangladesh ayaa lasheegay in ay ku sugnaayeen wado kadibna ay kusoo dhaceen geedo.
Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in ay ka hor tageen in qasaaraha uu sii kordho sababtana waxa ay ku sheegeen in dadka laga soo saaray goobaha ay qataruhu ka jiraan.


