Somali News

Dad badan oo ku dhintay madaafiic lagu garaacay magaalo ku taalla Nigeria

Caasimadda gobolka Borno ee dalka Nigeria ayaa lagu weeraray madaafiic hoobiyeyaal ah, wararkuna waxay sheegayaan in 10 qof ay dhinteen dad kale oo bandanna ay dhaawacmeen.

Dadka deegaanka ee magaalada Maiduguri ayaa warbaahinta u seegay in madaafiic badan laga soo tuuray duleedka magaalada.

Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay in ay weerarkaas mas’uul ka tahay.

Maiduguri waa meesha ay ka aasaasmeen kooxda Boko Haram, waxayna ka fulin jireen weerarro isdabajoog ah.

Tan iyo markii ay kooxdaas dhaqdhaqaaqeeda billowday sanadkii 2009, dagaallada jihaad doonka ah waxaa lagu dilay 36,000 oo ruux, qiyaastii labo milyan oo qofna waxay ka barakaceen waqooyiga-bari ee Nigeria.