Uncategorized

Dad badan oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Dalka Ciraaq.

Muqdisho-KNN-Qaraxyo waa wayn oo maanta ka dhacay Magaalada Baqdaad ee Xarunta Dalka Ciraaq ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dad Shacab ah Ciraaqiyiin ah.

Ugu yaraan 60 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyada oo labo qahaa islamarkaana ka dhacay koonfurta Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska Dalka Ciraaq iyo kuwa Caafimaadka.

Qof ayaa qarax gaystay ka dibna rag ayaa rasaas ku furay gudaha makhaayad ku taalla magaalada Nasiriya, oo ah Caasimadda gobolka Dhiqar, sida sheegeen ilo laamaha ammaanka ka tirsan.

Inyar ka dibna gaari ayaa lagu qarxiyay jidgooyo aan goobtii hore ka fogayn, sidaas waxaa sheegay afayeen u hadlay Booliska Dalka Ciraaq.

Ururka Daacish ee ka dagaalama Dalka Ciraaq ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxaasi oo ay ku dhinteen dadka shacabka ah.

Dad Shiico ah oo xajinayay Islamarkaana  ay ka mid yihiin kuwo ka yimid Iiraan ayaa ku dhintay weerarkaas maanta ka dhacay Dalka Ciraaq.