Uncategorized

Dad badan oo ku dhintay Shilal Gaadiid oo ka dhacay Muqdisho iyo Garas-baaley.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalane waa ay ku dhaawacmeen Labo Shil oo saakay aroortii hore ka dhacday degmada Shibis Gobalka Banaadir iyo deegaanka Garas-baaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Shilkii ka dhacay degmada Shibis ayaa la sheegay in uu ka dhashay Gaari weyn oo ku rogmaday is goyska Nasiib Buunde waxaana saarnaa dhalinyaro badan oo ka shaqeeyo dhismo ka socda Gudaha Garoonka magaalada Muqdisho waxaana Shilkaas ku dhintay 3 qof halka in ka badan 30 kalane ay dhaawacmeen.

Qof ka mid ah dadkii Gaariga saarnaa ayaa KNN u sheegay in Gaari uu ahaa UD ay saarnaayeen ku dhawaad 100 qof ayna intooda badan dhaawacmeen.

Dhinac kale deegaanka Garas-baaley ayaa waxaa isku dhacay Gaari Homey oo shacab waday iyo Gaari Nuuca ay Soomaalida u taqaano (Gaari Dameer) waxaana ku dhintay hal qof oo ah wadihii Gaari Dameerka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo batay shilalka Gaadiidka waxaana lagu sheegay Labo arin oo kala ah, inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho oo la dhisay iyo Darawalada oo aan la heyn Qibrad wanaagsan oo ka xeynta Gaadiidka ah Shilkii ugu danbeeyay ayaa Haweeney Uur leh ku dilay Xaafadda Sanca.

Wadooyinka qaar ee la dhisay ayaa u baahan in loo sameeyo Askari jiifo ama Carro Buuro wadayaasha ku qasbaya in aysan Xowli u ka xeyn Gaadiidka.