Somali News

Dad badan oo ku dhintay weerar ka dhacay Congo.

Muqdisho-KNN-Weerar looga shakisan yahay in ay ka dambeeyaan dagaalamyaal falaago ah oo ku sugan gudaha Congo ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay 15 ruux.

Weerarka oo ka dhacay bariga Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee Congo ayaa masuuliyiintu sheegeen in uu kamid yahay weeraradii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca.

Ciidamada Jamhuuriyada Congo ayaa bishii hore bilaabay olole ay ku dagaalamayaan falagaadan iyagoo taageero ka helaya ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobe.

Ciidamada dowladda ayaa dhankooda lagu eedeeyay in boqolaal ruux oo shacab ah ay dileen tan iyo sanadkii 2014’kii.