Muqdisho-KNN-Ugu yaraab 9 qof ayaa ku dhintay 16 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho wadareed ka dhacday magaaladda Dayton ee Gobolka Ohio, sida ay Booliisku xaqiijiyeen.
Warka ugu horeeyay ee weerarkaan waxaa la helay 1:00dii Saq-dhexe ee Habeenimo waqtiga maxaliga ah ee Mareykanka, Baar hortiis ayaana dadka lagu laayay.
Booliiska ayaa xaqiijitay in ay dileen ninkii weerarka geystay, dadkii ay waxyeeladu gaartayna waxaa loo qaaday Cusbitaalo dhowr ah.
Dacdadaan ayaa waxaa ay imaaneeysaa saacado kadib markii Toogasho kale oo ka dhacday Gobolka Texas ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof.
“Saraakiisheena Booliiska ayaa deg-deg u tagay, waxaan awood u yeelanay in aan ka jawaabno oo deg-deg ku dhameyno”, ayaa lagu daabacay barta twitter ka ee Boosliiska Dayton.
Weerarka ka dhacay magaaladda El Paso ee Taxas waxaa geystay 21 jir ku hubeysnaa qoriga baaska u dhaca waxaa uu dhaawacay 26 qof. Hadda ninkaas waxaa uu ku jira gacanta Booliiska oo su’aalo weydiinaya.
Waa muddo ka yar 24 saac oo Mareykanka si aan kala sooc lahayn looga geystay weerarro ay dad badan ku dhinteen, kuwaas oo aan la ogeyn ujeedada ka dambeeysa.