Somali News

Dad badan oo ku dhintay weerar ka dhacay waqooyiga Kenya

Booliska waqooyiga Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan kow iyo toban qof oo ay ku jiraan sideed askari ay dileen burcad lo’ dhacaysay.

Askarta ayaa waxa ay baadigoobayeen xubno ka tirsan qowmiyadda Pokot kuwaas oo goor sii horraysay weerrar ku ekeeyay tuulo halkaas ku taal kaddibna lo’ ay goobtaasi kala baxsadeen.

Caaqil deegaankaasi ka soo jeeda ayaa kamid ah dadka ku baxay qulqulatada Sabtidii ka dhacday Deegaanka Turkana.

Bayaan ka soo baxay booliska Kenya ayaa weerrarkaasi ku tilmaamay inuu ahaa faldambi gaadma ah oo fulaynimo ah.

Horraantii bishii Agoosto ayaa isla deegaankaasi ugu yaraan todoba qof nolosha lagu gubay illaa ay nafta ka baxday, xilligaas waxaa jiray weerraro looga shakiyay inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka qowmiyadda Pokot.