Somali News

Dad badan oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Kenya

Ugu yaraan 20 qof ayaa dhimatay ka dib markii ay laba bas isku dheceen shil subaxnimadii Arbacada ka dhacay degaanka Kwamkikuyu oo ku teedsan waddada weyn ee Malindi-Mombasa.

Shilka ayaa waxaa galay laba bas oo mid ka yimid Mombasa kuna sii jeeday Gaarisa, iyo gaari nuuca xamuulka qaada ah, kuna sii jeeday Mombasa isagoo ka yimid Mareeri.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in baska kusii jeeday Gaarisa uu rogmaday oo uu lumiyay xakamaynta garaacista safarka ay ku dhinteen inka badan 20 halka kuwa kale oo badana ay xaaladooda liidato.

Gudoomiyaha gobolka Kilifi Kutswa Olaka, ayaa xaqiijiyay in 15 qof ay ku dhinteen 14 kalena ay ku dhaawacmeen shilka.

Dadka shilka ku dhintay ayaa waxaa ku jira labada darawal. Waxaa sidoo kale jira dhowr shaqaale dowladeed ah oo katirsan Kilifi oo shilka ku dhintay.

Booliska ayaa qaar ka mid ah meydadka u qaaday goobta meydadka lagu keydiyo ee Malindi Hospital halka kuwa kale oo ku xayirnaana la qaadayo.