Somali News

Dad badan oo lagu xiray dalka Myanmar.

Milatariga dalka Myanmar ayaa amray in lasoo xiro dad badan oo ay sheegeen in ay wali rabshado ka wadaan dalkaasi.

Illaa iyo haatan ku dhawaad 500 oo ruux oo ayaa loo taxaabay xabsiga kuwaas oo wajahaya eedeemo ah in ay ka qayb qaateen dibad baxyada lamamnuucay ee looga soo horjeedo milatariga.

Dadka laxiray waxaa qayb ka ah hogaamiyaal siyaasadeed, dad u dhaq dhaqaaqo bulshada kuwaas oo dhamaantood lasoo qabtay xilli ay soconayeen dibad baxyada rabshadaha wato.

Wadanka Myanmar ayaa xiisad kacsanaan ah ku jiray tan iyo horaantii bishan markaas oo afganbi milatari dalkaasi ay kula wareegeen milatariga.