Somali News

Dad badan oo si farsameysan looga dhacay lacagtoodii

“Aniga waxaan wataa baabuurkey Feraari idinkana ma awoodaan in aad iibsataan wax aad cunntaan” ayaa aheyd fariin tii ugu danmbeysay ee uu usoo qoray aasaasaha shirkad cryptocurrency ah kadib markii uu dad badan oo Kenyan ah ka khiyaameeyay ku dhawaad 1 bilyan oo ah lacagta Kenya.

Fariintan ayuu soo dhigay qaanad Telegram ah oo ninkan la sheegay in uu lacagta dhacay u furay dadkan uu hadda dhacay si ay ugu kala war helaan.

Dab badan oo isticmaalaya shirkadda Bitstream Circle, oo ah qorshe ponzi ah oo ay nashqadeeyeen nin Kenyan ah iyo nin udhashay dalka Shiinaha, ayay dad ku dareemen culeys mar kasta oo ay rabaan inay lacagtooda kala baxaan.

Shirkadda, oo ballan qaaday inay qofka u soo celin doonto faa’iido maalinle ah oo ah shan ilaa 10 boqolkiiba ee qaddarka la geliyey, ayaa markii ugu horeysay internetka kasoo muuqatay Diisambar 7, 2021.

Shirkadda ayaa si lama filaan ah uga looga waayay intarneedka. Websaydhkeeda iyo Aplicationkeeda mobilada lama heli karin iyo sidoo kale boggeeda Telegram-ka.

Dad badan oo ku nool waddamo badan ayaa sidan oo kale lacago badan ku waayay.