Somali News

Dad cudurka Coronavirus ugu geeriyooday gobolka Gedo

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dad lagu arkay calaamadaha lagu yaqaano cudurka Coronavirus ay ugu geeriyoodeen degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi.

Dadka dhintay ayaa waxaa la sheegay in dhammaantood lagu wada arkay calaamadaha lagu garto dadka uu ku dhaco,waxaana ay tiradoodu ay gaaraysaa ilaa lix ruux.

Dr.Axmed Cadow Maadeey oo ah uqaybsanaha Caafimaadka ee degmada ayaa waxa uu sheegay in 29 ruux ay hadda la jiifaan Isbitaallada degmada, kuwaas oo laga helay calaamadaha cudurka.

Waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin baaritaanno rasmi ah oo ay ku sameeyeen dadkan ay gacanta ku hayaan, maadaama aysan haysanin qalabkii lagu ogaan lahaa cudurkan.

Waxa uu Dr.Axmed Cadow ka codsaday dawlada Soomaaliya in xaaladdan adag ee la soo deristay degmada iyo guud ahaanba gobolka Gedo, ay si deg deg ah wax uga qabato.

Gobolka Gedo ayaa ku dhaw xadka kala jara Soomaaliya iyo Kenya, waxaana xusid mudan in dalkaasi Kenya uu ka mid yahay dalalka laga helay cudurkan.