Uncategorized

Dad Cudurka shuban biyoodka ugu dhintay Sh/Dhexe.

Jowhar-KNN-In kabadan 10 qof ayaa cudurka Shuban Biyoodka ugu dhintay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe oo maalmihii la soo dhaafay ka dilaacay cudurkaasi.

Dhaqaatiirka Caafimaadka iyo mas’uuliyiinta gobalka ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in cudurka fara ba’an ku haayo dadka reer miiga ah ee gobalka ku nool gaar ahaan deegaanada Bacaadley, Boodaale, Deyma-same , jiilaale, Tuugaarey iyo deegaano kale sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka.

Dadka cudurka u dhintay ayaa isugu jira Caruur iyo dad waayeelo ah, Cudurka gobalka ka dilaacay ayaa ku soo aadaya xili la galay waqtiga kuleelaha iyo Xilli uu guray Wabiga Shabeelle ee mara gobalka Shabeelaha dhexe.

Dhawaan ayaa maamulka degmada Mahadaay waxay sheegayn in ugu yaraan 5 qof cudurka Shuban biyoodka ugu dhintay gudaha degmadaasi.