Uncategorized

Dad Gaari Dameer Saarnaa oo Miino kula Qaraxday Gobolka Shabellaha Hoose

Bariire–KNN–Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay miino ku qaraxday gaari dameer marayay meel u dhaw tuulada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka gaari dameerka saarnaa ayaa la sheegay inay ka qaxayeen iska hor’imaadyo shalay ku dhexmaray Bariire ciidamada dawladda oo ay taageerayaan kuwa AMISOM iyo kuwo Mareykan ah, kuwaas oo howlgal milatari ka bilaabay deegaanada ay ku xooganyihiin Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida dadka deegaanku ay BBC-da u sheegeen dadka dhintay waxa ku jiray carruur.

Goor sii horraysay, ayaa dadka deegaanka waxa ay ku soo warrameen, in kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamo Mareykan ah oo ka ambabaxay saldhiga garoonka Balidoogle ay gaareen tuulada Bariire oo ay horey gacanta ugu hayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM ayaa iyaguna gaaray isla tuulada Bariire iyagoo ka baxay deegaanka lambar 50 ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.

Inkastoo meelaha qaar la maqlay qaraxyo, haddana ma jiraan wax war ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay ka dhashay dullaankani.