Muqdisho-KNN-Dad hor leh ayaa waxaa laga soo badbaadiyay deegaanada uu ka da’ayo roobka musiibada isu badalay ee Maansuunka ee dalka Hindiya, gaar ahaan gobolka Kerala.
Dhowr kun oo qof ayaa maanta waxaa soo badbaadiyay ciidamada Dallaayadaha ku booda ee dalka Hindiya, dadkaana waxaa laga soo badbaadiyay dusha sare ee guryahooda.
Gurmadka ayaa soo lixaadsanaya walisa waxaa muuqata halista howsha gurmadka, oo ciidanka gaarka utabaran uun ayaa xilligan howshu usii dhamaaneysaa.
Dowladda Hindiya kooxda ay uxilsaartay daadadkan waxa ay sheegeen in xilligan dhimashadu ay mareyso, 357 qof walisa lama hubo khasaaraha rasmiga ah, madaama deegaanno dhowr ah ay wali dadka beylah ku suganyihiin, gurmadkiina uusan gaarin.