Muqdisho-KNN-Qarax maanta ka dhacay deegaanka Lafoole ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay khasaaro ba’an u gaysteen dad shacab ah oo saarnaa, gaariga nooca BL-ka ah oo uu qaraxu haleelay.
Qaraxa ayaa dadkii uu saaneeyay ee gaarigaasi saarnaa, waxaa ku jiray dad shacab ah isla mar ahaantaasina ahaa dad isku qays ah, sida uu Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay mid ka mid ah dadkii gaariga saarnaa oo dhaawac uu soo gaaray.
Waxa uu noo xaqiijiyay in dadkii gaariga saarnaa ay ka mid ahaayeen dad isku qoys ahaa, waxana uu sheegay in ay ka koobnaayeen 12 ruux, isla markaasina waxa ay ku dhinteen qaraxa.
Waxaa gebi ahaanba bur buray gaarigii uu haleelay qaraxa, kaas oo xillii uu qaraxu dhacayay ku wajahnaa degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellada Hoose.
Waxaa la keenay magaalada Muqdisho, qaar ka mid ah dhaawacyadii darnaa si loogu dabiibo Isbitaallada ku yaalla, halkii kuwii kalena la dhigay Isbitaallada deegaanka.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan maanta dhacay.