Wararka ka imaanaya deegaanka Saax-qurun oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaas lagu laayay dad isku qoys ah.
Dabley hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe deegaankaas ku dilay laba carruur ah iyo aabbahood oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye Cilmi waalid.
Weerarka waxa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay wiil yar oo 8 sano jir ah.
Weerarkan oo lala xiriirinayo aano-qabiil ayaa lagu beegsaday qoys reer miyi ah oo degganaa baadiyaha deegaanka Saax-qurun ee gobolka Mudug.
Kooxda weerarka geystay ayaa rasaas culus ku furay qoyskaan kadibna goobta ka baxsaday, wali lama oga kooxdii falkaasi dilka ah ka dambeesay, waxaana loo maleenayaa in falkan salka ku hayo aano qabiil.
Ciidamada amaanka ee ka howlga gobolka Mudug ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxdii ka dambeesay dilka dadkan isku qoyska ah loo geystay, waxa ayna saraakiisha ciidamada ku hanjabeen in kooxdaasi talaabo ka qaadi doonaan.
Dhowr mar ayaaa sidan oo kale qeybo kamid ah deegaanada ka tirsan gobolka Mudug waxaa ka dhacay dilal ku saleysan aano qabiil.


