Somali News

Dad ku dhintay dagaal ka dhacay Xabsi ku yaala Brazil

Muqdisho-KNN-Dagaal ka dhacay xabsi ku yaala Woqooyiga Baraazil ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, sida ay sheegeen Saraakiisha maxaliga ah.

Isku dhaca ayaa lasoo wariyay in uu billowday intii lagu jiray saacadihii booqashadda ee xabsiga Anísio Jobim ee Magaaladda Manaus.

Qaar ka mid ah dhibaneyaasha ayaa tooreey lala dhacay iyadoo ay wali joogaan eheladdii soo booqday, halka qaar kale-na ceego lagu dilay.

Saraakiishu waxay sheegeen in rabshada xabsiga ka dhacday laxakameeyay islamarkaana la baarayo sidii ay ku billaabatay iyo wixii hardanka bilaabay.

“Gabigeedba waa murugo,” ayey sheegtay mid ka mid ah maxaabiista la dilay hooyadiis oo Rio Times u sheegtay in aysan dooneeyn in magaceeda lasheego.

“qof kasta waxaa uu bilaabay in uu cararo waxayna ku ordeen alaabadda si ay u baxsadaan” ayey hadalkeeda ku dartay hooyadda la wareystay.

Wadanka Brazil waa wadanka sedexaad ee dunida ay ku xiranyihiin maxaabiisa ugu badan, Bishii April ee Sanadkaan ayaa tirokoob lagu ogaaday in ay wadanka ku xiranyihiin 712,305 oo maxbuus.