Muqdisho-KNN-Darbi ku dumay magaalada caanka ku ah ganacsiga ee Mumbai, ee gudaha dalka Hindiya ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 ruux.
Dumista darbigan ayaa timid kadib roob xoogan oo halkaasi ka da’ay isagoona sidookale roobka saamaynxoogan u ugeestay dhawr dhismo oo ku yaalo magaalada Mumbia ee gudaha dalka Hindiya.
Kooxaha samata bixinta ayaa wada wali dadaalo ay doonayaan in ay kusoo bad baadiyaan dadka ay dhacdadaasi waxyeelada kasoo gaartay iyagoona ay usuurta gashay in ay soo bad baadiyaan inkabadan 10 ruux.
Inkabadan 300mm oo roob ah ayaa 24’kii saac ee lasoo dhaafay kasocday magaalada iyadoona taasi ay hakad galisay isku socodka magaalada caanka ku ah ganacsiga ee Mumbia.
Roobka ayaa sidookale lafilayaa in uu sii socon doono maanta iyadoona lakiyay duulimaadyadii garoonka magaalada Mumbia oo ah garoonka labaad ee ugu wayn dalka Hindiya.
2005’tii daad xoogan oo halkaasi ku dhuftay ayaa waxaa ku dhintay 500 oo ruux.