Muqdisho-KNN-Dhisme ku yaala isgooyska Lambar Afar ee Magaaladda Muqdisho ayaa soo dumay, waxaa uuna uu Sabay qasaare dhimaso, waxaa sidoo kale wali la baadi goobayaa Dad kale oo ku jira Bur-burka hoostiisa.
Guri la dhisayay ayaa ku soo dumay shaqaalihii ku hoowlanaa dhismihiisa, sida uu xaqiijiyay Wariyaha Idaacadda Kulmiye farxaan Maxamed Xuseen.
Ugu yaraan Afar Ruux oo ka mid ah Shaqaalaha dhismaha ayaa dhintay, waxaana lagu guuleeystay in meeydkooda laga soosaaro burburka koostiisa.
Waxaa wali Bur-burka hoostiisa ku jira ugu yaraan Lix kale, dad ka shacab ka ah ayaa Bixiyay gurmadka ugu badan.
Hadda wali waxaa socda Dadaaladda gurmadka oo la doonayo in Burburka Hoostiisa looga soo saaro shaqaalaha lala’yahay.
Lama oga Sababta saxda ah ee dhismuhu uu u Dumay.