Somali News

Dad ku dhintay Dooni ku Qalibmatay Dalka Honduras.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 26 ruux ayaa dhimatay kadib markii dooni kaluumaysi ay ku dagtay xeebta dalka Honduras sida ay sheegeen masuuliyiinta.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in markab uu soo badbaadiyay illaa iyo 47 ruux oo kale.

Doonida ayaa quustay xilli ay mareesay gobolka Mosquitia oo kuyaala bariga dalka Honduras gaar ahaan xeebaha Caribbean’ka.

Wali macada waxa sababay shilka balse waxaa socda baaritaano ladoonayo in lagu ogaado sababihii ka danbeeyay shilka.

Jose Meza, oo ah afhayeenka ciidamada xooga ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in meedadka iyo dadka lasoo badbaadiyay lageeyay magaalada Puerto Lempira  oo u dhaw halka uu shilku kadhacay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inta uusan shilkani dhicin in ay dooni kale dagtay taas oo ay saarnaayeen dad badan.

Ugu yaraan 40 ruux ayaa lasheegayaa in doonidaasi lagasoo badbaadiyay iyadoona aysan jirin wax dhimasho ah oo lasoo wariyay.