Uncategorized

Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Wanla-weyn

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Degmadda Wanla-weyn ee gobolka shabeelaha hoose, sida Idaacadda kulmiye u sheegeen masuuliyiinta gobolka.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday Mooto bajaaj, wuxuuna ka dhacay meel u dhow Aargadda degmadda.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waa goob Qaadka lagu iibiyo, ayey KNN u sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadda.

Dad ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay Cusbitaalka degmadda , si rasmi ah looma xaqiijin tiradda dhaawaca.

Lasoco wixii soo kordha.