Somali News

Dad ku dhintay rabshado ka dhacay Suudaan

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan lix qof ayaa la dilay, tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen mudaharaadyo ka dhacay dalka Suudaan, kuwaa oo ka dhashay sarakac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka.

Masuuliyiinta gobolka Qadhaarif ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah, waxaana lagu soo rogay bandow laga billaabo 6-da maqribnimo illaa 6-da subaxnimo.

Booliska dalkaasi Suudaan ayaa shalay oo khamiis ahayd sidoo kale kala eryay dad dibadbaxyo ka dhigayay gudaha magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaasi iyo magaalooyinka kale.

Dibadbaxyadani ayaa maalintii arbacada ahayd ka billaabmay magaalada Cadhbara, oo iyana sidoo kale looga dhawaaqay xaalad deg deg ah.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo lagu magacaabo, Mubaarak Al-Nuur, ayaa booliska ugu baaqay in aysan isticmaalin xoog xad dhaaf ah, si ay u kala diraan dadka dibadbaxayada dhigaya, waxa uuna sheegaya in dastuurka dalkaasi uu muwaadiniintu xaq u siinayo in ay dhigaan dibadbaxyo.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dibadbaxayaashu in aysan burburin hantida dadweynaha iyo tan gaarka loo leeyahay isla markaana ay sameeyaan dibadbaxyo nabadeed.

“Xaaladda Qadhaarif ayaa noqotay mid halis ah, waxaana dadka dibadbaxayaasha ahi ay ku lug yeesheen toogasho iyo dhac oo waxa ay bexeen faraha,” ayuu yiri xildhibaan Al-Nuuri.