Somali News

Dad ku dhintay rabshado ka dhacay wadanka Guinea


Sideed ruux oo shacab ah iyo labo katirsanayd booliska ayaa ku dhintay rabshado xoogan oo ka dhacay caasimada wadanka Guinea.

Rabshadaha ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen dibad baxyaal careesan iyo taageerayaasha mucaaradka, kuwaas oo ka xumaaday natiijada hor dhaca ah ee kasoo baxday doorashadii wadankaasi.

Natiijada hor dhaca ah ayaa muujisay in natiijada doorashada uu ku horeeyo madaxwayne Alpha Conde, taas oo ay mucaaradku kasoo hor jeesteen.

Wasaaradda amniga wadankaas ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay rabshadaha ka dhashay doorashada, kuwaas oo ay dadka badan ku dhinteen