Uncategorized

Dad ku dhintay Roob xalay ka da’ay Mugdisho.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay Qof kalena waa dhaawac ka dib maarkii xalay Roob uu ka da’ay Magaaladda Casimadda ah ee Muqdisho uu sababay in uu Dumo gari ay dadkaasi daganayeen.

Robka oo si isxigay u da’ayay ugu yaraan Todobo saacadood ayaa sidoo kale waxaa uu saameeyay isu socodka Dadka iyo gaadiidka ee Muqdisho.

Saacadihii hore ee saakaayaa waxaa magaaladda lagu arkatyay Dad lugeeynaya si ay u kor meeraan waxa ay xalay ku baryeen goobahooda ganacsiga.

Sidoo kale Roobku wuxuu saameeyay dadka barakacay ee dagan Xaafadaha Muqdisho, waxana burburay ama ay biyo galeen guryo jilicsan oo ay dadka barakacay lahaayeen.

Meesha uu roobku dhimashadda ka geeystay waa degmadda Xamar weeyne ee Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale Degmadda Boondheere  ee Gobolka banaadir ayaa lasheegay in Daadad ay ku qaadeen Labo caruur ah oo aan wali lahelin, raq iyo ruux.