Somali News

Dad ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Faransiiska

Muqdisho-KNN-Sida ay warinayso warbaahinta dalka Faransiiska waxaa geeriyootay shan ruux, kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo yar-yar.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay koonfur bari magaalada Tours xilli ay ku beegneyd tobankii iyo barkii saacadaha maxaliga ah ee wadankaas.

Shaqaalaha deg dega ah, oo ay qayb ka yihiin 50 dab-damis ayaa looga yeeray goobta uu shilka ka dhacay.

Lama sheegin ruux kale oo wax ku noqday markii ay soo dhaceen labada diyaaradood. Balse khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilkaas ayaa ku ekaa shanta qof ee geeriyootay.

Illaa iyo haatan lama sheegin waxa sida rasmiga ah u sababay shilkaas diyaaradeed.