Hargeysa-KNN-Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen Labo Gaadiid oo ah nuuca yar yar oo dad Shacab ah siday sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka ee hargeysa.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira guddoomiyihii magaalada Kala-baydh Shiikh Cabdullaahi Cusmaan ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Gabilay tiro kalena oo mas’uuliyiin ahna way ku dhaawacmeyn.
Shilka ayaa yimid ka dib markii Gaari Xowli ku socday uu ku dhacay Gaariga ay wateen dadkaasi oo ahaa Gaari nuuca raaxadda ah waxa uuna shilka ka dhacay Inta u dhaxeysa Gibilay iyo Kalabaydh oo ah deegaano hoos yimaada Magaalada Hargeysa ee Xarunta maamulka Soomaaliland.