Somali News

Dad ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Iran

Sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Iraan, ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii uu bariga Iran,tareen ku qalibmay.

Tareenka oo ay saarnaayeen 348 rakaab ah ayaa ka soo baxay khadka u dhexeeya magaalooyinka Mashhad iyo Yazd oo qiyaastii 50km (31 mayl) u jira magaalada Tabas.

Ku xigeenka madaxa tareenada ee Iran ayaa sheegay in shilkan uu yimid kadib markii tareenku uu ku dhacay goob ay qodis ka socotay oo u dhow wadada tareenka.